Degmada Ceel-cadde ee wilaayada islaamiga ah ee Gedo waxay xalay markale marti gelisay duqayn dhanka cirka ah oo ay degmadaasi ka gaysteen diyaaradaha dowladda ah ee Kenya, taas oo gaysatay khasaare kala duwan oo soo gaaray dadka shacabka ah.
Goobjoogeyaal ku sugan degmada oo la hadlay Idaacadda islaamiga ah ee Andalus ayaa sheegay in illaa 4 gantaal ay diyaaradaha saliibiyiintu ku dhufteen xaafadaha dadka shacabka ah ay ka deganyihiin degmada Ceel-cadde, Allaah fadligiis ma jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay duqaynta saliibiyiinta, balse waxay dhaawacyo fudud soo gaareen 2 qof oo shacab ah, halka ay ku burbureen guryo ay dad shacab ah deganaayeen.