Diyaaradaha dowladda saliibiyadda ah ee Mareykanka ayaa duqeymo wuxuushnimo ah ka geystay degmada Buq-Aqable ee wilaayada islaamiga Hiiraan ee dhacda bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Duqaynta diyaaradaha saliibiyiinta ayaa lala beegsaday xaafadaha ay deganyihiin dadka rayidka ee kuyaal degmada, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira burburka guryaha shacabka iyo khasaare nafeed oo soo gaaray dadka shacabka ah.
Ugu yaraan saddex qof oo ka mid ah bulshada ku dhaqan deegaanka ayaa ku shahiiday duqaynta saliibiyiinta, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 7 kale oo isugu jira caruur, haween iyo rag, sida uu inoo xaqiijiyay wariyaha Andalus Maxamuud Sheekh Axmed Tooshow.