Diyaaradaha dagaalka ee dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka ayaa duqaymo wuxuushnimo ah ka gaystay degmooyinka Jilib, Bu’aale iyo Saakow oo dhamamaantood ka wada tirsan wilaayada Jubbooyinka, halkaas oo ay ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Duqaymahan wuxuushnimada ah ayaa gabi ahaan lala beegsaday goobo waxbarasho, xarumo ganacsi iyo guryo shacab ay deganyihiin dad rayid ah, waxaana jira dad ku shahiiday duqaymaha, qaar ku dhaawacmay iyo hanti badan oo ay burburisay.
Duqaynta Jilib waxaa ku shahiiday ugu yaraan hal qof oo shacab ah, oo ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda korontada ee Jeesko, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen dad kale oo rayid ah, guryo iyo xarumo ganacsi oo ay dadka rayidka leeyihiin ayaa sidoo kale ku burburay, illaa afar gantaal ayayna saliibiyiinta Maraykanka u qaybiyeen xaafadaha kala ah Waaberi, Badru-diin iyo Faanoole.