Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo lagu weeraray xerada murtadiinta ee General Gordon ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay deganaayeen maleeshiyaadkii murtadiinta ee lagu soo tabobaray waddanka Eritrea.
Jugta qaraxyada ayaa si wayn looga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho, qaraxyadan ayayna Mujaahidiintu ka dhex fuliyeen gudaha xerada, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray askarta Riddada oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii dhowaan laga keenay Eritrea.
Dhinaca kale weeerar culus oo ka dhacay dhulka NFD gaar ahaan deegaanka Dhamase ee hoostaga degmada Lafeey ee gobolka Mandheera waxay Mujaahidiintu ku qaadeen fariisin ciidan oo ay ciidamada kuffaarta Kenya ay halkaasi ka deganaayeen, mana jiro wax faahfaahin ah oo laga helay howlgalkan.