Diyaaradaha dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay qoys ka koobnaa 6 qof oo rayid ah ku xasuuqay deegaan hoostaga degmada Ceel-garas ee dhacda wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud, halkaas oo sidoo kale ay ciidamada Maraykanku ku laayeen xoolaha la dhaqdo.
Wariye Liibaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda islaamiga ah ee Andalus ayaa gaaray goobihii uu Maraykanku ku duqeeyay dadka shacabka ah ee duleedka deegaanka Oodweyn ee hoostaga degmada Ceel-garas, wariyaha ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay halkaasi ku beegsadeen qoys ka koobnaa 6 qof oo isugu jiray 5 caruur ah iyo eyeeydood, weerarkana uu dhacay xilli ay qoyskaasi hurdayeen.
Si ay u qariyaan khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray weerarkan, waxay ciidamada Maraykanku halkaasi ka qaadeen shuhadada dadkii rayidka ahaa, si aysan warbaahinta islaamiga ah usoo bandhigin jariimada ay ku kaceen.