Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntland murtad Cabdiraxmaan Faroole ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday murtad Deni.
Faroole ayaa sheegay in Siciid Deni uu faramaroorsanayo talada maamulkaas, isagoo dhanka kale tilmaamay in uu kasoo horjeedo waxka bedelka dastuur gaaleedka gaar ahaan midka arrimaha doorashooyinka ee maamulkaas.
Hadalka murtad Faroole ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xiisad siyaasadeed oo xooggan ay ka dhex taagan tahay maamulka loogu yeero Puntland, mucaaradka ayaa sheegay in Deni uu waxka bedelka dastuurka arrimaha doorashooyinka uu ku doonayo muddo kororsi uu kusii joogo kursiga.