Wariye Cabdillaahi Soomaali oo ka mid ah wariyayaasha aqoonta fiican u lahaa Jaasuuskii la dilay ee C/casiis Afrika isla markaana ah abwaan ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ayaa nasoo gaarsiiyay gabay digasho ah oo uu u bixiyay Afbullaacad, magacaasi oo ah magac dad badan u yaqaaneen Cabdicasiis Afrika, sababta loogu bixiyayna ay ahayd hadalada aadka u xun ee afkiisa mar kasta kasoo burqan jiray.
Gabayada digashada ah maaha kuwo ku cusub abwaanada Soomaaliyeed, waxa ka mid ahaa gabayada digashada ahaa gabay uu hore u tiriyay Sayid Maxamed Cabdalla Xassan, kadib markii daraawiishtu ay dileen gaalkii la oran jiray Koofil.