Idaacadda islaamiga ah ee Andalus oo si toos ah u tabinayso duullaanka cagmarinta ah ee ay ciidanka mujaahidiintu ku qaadeen ciidamada saliibiyiinta xabashida ee ku sugnaa duleedka degmada Rabdhuure ee wilaayada Bakool, ayaa waraysiyo la yeelatay dadka deegaanka si ay uga warbixiyaan waxay indhahooda ku arkeen.
Qof goobjooge ah oo ku sugan baadiyaha degmada Rabdhuure kana agdhawaa halka uu weerarku ka dhacay ayaa soo sheegay in weerar culus uu ciidanka xabashida Itoobiya ku qabsaday duleedka degmadaasi, si ba’ana loogu xasuuqay duleedka Rabdhuure.
Goobjoogaha ayaa Andalus u xaqiijiyay in uu indhihiisa saaray gaadiid ciidan oo xabashida looga qabsaday weerarka iyo kuwa kale oo lagu gubay goobta dagaalka, waxa uu sheegayaa in firxadka ciidanka xabashida uu usii jihaystay dhanka xuduud beenaadka gaar ahaan Yeed.