Iyadoo ay Mujaahidiintu sii kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Hirshabeelle ee ka socda deegaannada uu ka arrimiyo maamulkan, ayuu qiraalkii ugu horreeyay sameeyay murtad Cali Guudlaawe oo ah madaxa maamulkaas.
Isagoo la hadlayay maleeshiyaad murtadiin ah, ayuu murtad Cali Guudlaawe sheegay in askar iyo saraakiil badan looga laayay howlgal fariid ah oo ay Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaan ka tirsan wilaayada Sh/dhexe.
Weerarkaan oo uu sheegay in uu ka dhacay meel dhowr KM u jirta degmada Balcad ee Sh/dhexe ayuu murtad Gudlaawe sheegay, in looga dilay 300 oo murtadiin ah oo isugu jiray xildhibaanno, Saraakiil ciidan, iyo maleeshiyaad ka tirsanaa maamulkiisa.
Qiraalkan naadirka ah ee kasoo yeeray madaxa maamulka ashahaada la dirirka ah ee Hirshabeelle, oo si guud looga bartay inay qariyaan khasaaraha dagaal ee kasoo gaaro furimaha, ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Mujaahidiinta ee ku jilba xiran furimaha dagaal ee wilaayaadka islaamiga ah ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ay bilooyinkii lasoo dhaafay xoojiyeen weerarada ka dhankah maleeshiyaadka maamulkan, iyagoo cagta mariyay saldhigyo ciidan, fariisimo iyo xarumaha maamulkan Riddada ah ee Hirshabeelle.