Dadka danta yar ee ku ganacsada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca waqooyi ee uu ka arrimiyo maamul goboleedka uu fadhigiisu yahay Garoowe, ayaa ka cabanaya barakicin xooggan oo uu ku hayo maamulka magaaladaasi ugu magacaaban ‘Puntland’.
Qaar ka mid ah hooyooyinka danta yar ee ku dhaqan magaaladaasi, ayaa warbaahinta u sheegay in lagu amray inay ka barakacaan goobihii ay ku ganacsanayeen, xilligana aysan awoodin inay ka guuraan, mid ka mid ah hooyooyinka ganacsiyada yar yar ku leh suuqa xero-dayax ayaana ka warbixinaysa dhibaatooyinka ay wajahayaan.
Ma ahan markii ugu horraysay oo ay cabasho muujiyaan hooyooyinka danta yar ee ganacsiyada yar ku leh suuqyada xero-dayax ee magaalada Gaalkacyo, maalmihii lasoo dhaafay ayay hooyooyinkan cabashadooda warbaahinta usoo marinayeen maamulka ashahaada la dirirka ah ee halkaas ka dhisan.