Kooxda Riddada Somalia ayaa lagu eedeeyay inay dhalinyaro Soomaaliyeed ay si xoog ah ku askaraynayso, kuwaas oo qaarkood warar soo baxaya ay sheegayaan in loo qaadii doono dlaka Eritrea.
Qaar ka mida hooyooyinka dhalay wiilashan ayaa sheegay in ubadkooda si khasab ah lagu askareeyay, islamarkaana qaarkood ay soo gaareen dhawacyo, ka dib markii ay isku dayeen in ay ka baxsadaan xeryahaha lagu xareeyay.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad magaalada Muqdisho looga hadal haayay raaf xooggan oo ay samaysay kooxda Riddada Soomaaliya, kaas oo lagu uruurinyao dhalinyarada Muqdisho, iyadoo si xoog ah lagu askareenayo.
Waddooyinka magaalada Muqdisho qaakood waxaa lagu arkayay gaadiidka ciidan, gaar gaar ahaan kuwa xamuulka oo shiraacan iyo kuwa aan shiraacnayn oo ay ka buuxaan dhalinyaro si xoog ah lagu askareeyay, waxayna warar hose oo soo baxayaa ay sheegayaan in dhalinyaradaas loo daad guraynayo Eritrea.