Howlgal qorsheysan oo ciidamada katiibada Muxamed Ibnu Maslama ay maanta ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku dileen sarkaal murtad ah oo ka tirsanaa saraakiisha kooxda Riddada Soomaaliya.
Howlgalkan oo ka dhacay xaafadda Al-barako ee magaalada Muqdisho waxay Mujaahidiintu ku dileen Maxammed Muumin Cilmi oo loo garan ogaa Saney oo ahaa taliyihii Ururka 41aad ee Guutada 5aad ee maleeshiyaadka Riddada ee ka howlgasha gobalka Hiiraan.
Murtadkan ayaa ka mid ahaa mujrimiintii hurinaysay dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka ee ay gaaladu ku iclaamisay deegaannada shareecada islaamka lagu maamulo ee wilaayada Hiiraan loona wakiishay murtadiinta.