Taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku faahfaahiyay camaliyaadkii Istish-haadiga ee lagu beegsaday saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ee degmada Doolow ee wilaayada Gedo.
Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa warsaxaafadeedkiisa ku xaqiijiyay in camaliyaadkan mataanaha ahaa oo midka koowaad lagu beegsaday taliska ciidamada ee saldhiga Kabaaso oo ay ku sugnaayeen saraakiisha hogaamisa ciidanka xabashida ah ee gumaysiga ku haysata qaybo ka mid ah Wilaayada Gedo, halka camaliyada labaadna lala beegsaday kaydka hubka iyo saanada ciidan ee isla saldhiga Kabaaso lagu dilay 123 saliibiyiin xabashi ah, halka sidoo kale lagu dhaawacay 78 kale.
Ciidanka camaliyaadka lagu weeraray ayuu taliska ciidanka mujaahidiinta ku sheegay inay ahaayeen 3.000 oo askari waxaa sidoo kale goobta ku gubtay kaydkii hubka ee saldhiga Kabaaso iyo gaadiid farabadan oo ah kuwa ciidamada.
Halkan Ka Dhagayso Xog Ku Aadan Faahfaahinta Bayaanka Taliska Ciidanka.