Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo u dhaxeeyay mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka huwan murtadiin ah, kuwaas oo maanta ka dhacay deegaanka Qaycad ee dhaca wilaayada Mudug ee bartamaha Somalia.
Saraakiisha mujaahidiintu waxay xaqiijiyeen in dagaalladii murtadiinta lagu jabiyay ee maanta ka dhacay deegaanka Qeycad Allaah fadligiis lagu dilay siddeed askari oo murtadiin ah, halka sidoo kalena lagu dhaawacay 15 kale.
Dhanka kale, waaliga wilaayada islaamiga Mudug Sheekh Xasan Abuu Xamza, ayaa waraysi uu siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus kaga warbixiyay dagaalladii xoogganaa ee maanta ciidanka mujaahidiintu kaga hortageen dhaqdhaqaaqyada ashahaada la dirirnimo ee murtadiintu ka wadeen deegaanka Qaycad.