Madaxda maamul goboleedka ashahaada la dirirka ee Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay korkorka isbaroyinka tira beelka ah ee ay gobolka Hiiraan dhigteen guddoomiyeyaasha maamulkan ugu magacaaban degmooyinka iyo deegaannada gobolkaas.
Murtad Cabdikariin Nuur Xuseen oo ah la taliyaha madaxa maamulka Riddada ah ee Hirshabeelle oo ka hadlayay isbaaroyinka dadka lagu baado ee yaal deegaannada maamulkiisa ayaa xaqiijiyay in isbaarooyinka ugu badan ay yaalaan gobolka Hiiraan, halkaas oo ay soo dhigteen guddoomiyaha gobolka iyo kuwa degmooyinka.
Marka laga soo tago isbaaroyinka lagu baado gaadiidleyda ee yaal Beledweyne Buulo-burte iyo Jalalaqsi ayuu dhanka kale sheegay in degmada Mataban ay tahay degmada ugu daran ee ay yaallaan isbaaroyinka, taas oo uu soo dhigtay guddoomiyaha degmadaas, halkaas oo lagu baado dadka shacabka ah.