Fagaare wayn oo ku yaalla degmada Buq’aqable ee wilaayada Hiiraan waxa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay xukun xaddu Riddo ah oo lagu fuliyay jawaasiis iyo askar ka tirsanaa maleeshiyaadka dowladda Ridada.
Maxkamadda Islaamiga wilaayada Hiiraan waxay gelinkii dambe ee shalay xukunno Xaddu Riddo ah ku riday 2 nin oo lagu magacaabi jiray Cabbaas Maxamed Cismaan oo ahaa Jaasuus iyo Axmed Maxamed Abiikar oo ahaa askari ka tirsanaa maleeshiyadka Kooxda Ridada Farmaajo.
Qaadiga maxkamadda Islaamiga ee wilaayada Hiiraan waxa uu sheegay in Cabbaas Maxamed uu ahaa Jaasuus lagu soo oogay fal jaasuusnimo ah isagoo la shaqaynayay (Jaasuus u ahaa) maleeshiyaaadka dowladda Ridada gaar ahaan maamulka Ridada gobolka Hiiraan, waxaana ay Mujaahidiintu gacanta kusoo dhigeen isagoo falkaasi basaasnimo ku jira.
Eedaysanaha kale ee lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed ayaa isna ahaa askari ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Ridada Somalia isagoo muddo sannado ah ku jiray ayuu Qaadigu sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Mujaahidiinta.
Boqollaal ka mida dadwaynaha ku nool degmada Buq’aqable ayaa soo xaadiray fagaarihii uu xadku ka dhacayay oo ku yaal magaalada halkaasi oo lagu fuliyay xukunka xadka Ridada ah.
Qaadiga maxkamadda Islaamiga ah ayaa fagaaraha ka hor akhriyay xukunka Maxkamadda islaamiga ee lagu fuliyay Jaasuuska iyo askariga ka tirsanaa maleeshiyaadka dowladda Ridada.
Halkan Ka Dhagayso Xukunka Maxkamadda Islaamiga ah.
Calamada.com