Xildhibaan Xuseen Cabdi Barre oo ka tirsan xildhibaanada dowladda saliibiyadda ah ee Kenya ayaa xaqiijiyay in sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Kenya, gaar ahaan kuwa loogu yeero Home-Guard lagu dilay weerar qorsheysan oo ay mujaahidiintu ka fuliyeen gobolka Wajeer ee dhulka NFD.
Xildhibaankan ayaa xaqiijiyay in weerarkaas ay dowladda Kenya ku waysay sarkaal muhiim u ahaa, uuna dilkiisa ka murugooday madaxweynaha waddankaasi Kenya, maadaama sida uu sheegay uu sarkaalkan uga aadanaa aag muhiim ah.
Dhowan ayay ahayd markii ay mujaahidiintu weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Ogaraale oo hoostaga degmada Tarbaja ee gobalka Wajeer. Waxay mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen degaankaasi, iyago halkaas ku dilay askari ka mida ciidanka loogu yeero Home-Gaurd ee ay taba baratay dowladda saliibiyadda ah ee Kenya, Waxay sidoo kale mujaahidiintu gabi ahaanba bur buriyeen sharikaddii Safaricom ee ku tiillay deegaanka la weeraray.