Taliska ciidanka xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa war horudhac ah kasoo saaray howlgalkii aadka u xoogganaa ee ay saaka Mujaahidiintu kula jarmaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee degmada Galcad, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka ay soo tabobaratay dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka ee loo yaqaan Danab.
Taliska ciidanka Mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi barakaysan lagu dilay ugu yaraan 159 isugu jira saraakiil iyo askar murtadiin ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta ee Baangaraafta, wuxuuna talisku intaasi ku daray in degmadan ay ku sugnaayeen illaa 3 urur oo 2 ka mid ah ay ahaayeen ciidamada uu soo carbiyay Maraykanka ee loo yaqaan Baangaraafta.
Warsaxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab afhayeenka ciidanka Mujaahidiinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalkaasi barakaysan lagu soo ghaniimeystay 45 gaari oo ay xerada kaga carareen maleeshiyaadka Riddada ee Baangaraafta.
Halkan Ka Dhagayso Faahfaahinta Warsaxaafadeedka Taliska Mujaahidiinta.