Murtad Cabdicasiis Laftagareen oo ah madaxa maamulka ashahaada la dirirka ah ee Koonfur galbeed ayaa walaac ka muujiyay howlgallada Mujaahidiinta ee beegsanaya duleedyada magaalada Baydhaba ee xarunta u ah maamulkiisa.
Murtad Laftagareen ayaa hadalkan ka jeediyay shir uu ka qayb galay, isagoo xusay in khalkhalka amni ee ay ku jirto magaalo madaxda maamulkiisa ee Baydhaba ay keentay inaysan [5km] xittaa dibadda uga bixi karin magaalada, maadaama howlgallada Mujaahidiinta ay ka dhacaan duleedyada xarun goboledka Baay.
Hadalkan kasoo yeeray murtadka madaxa ka ah maamulka ashahaada la dirirka ah ee Koonfur galbeed ayaa kusoo beegmaya xilli maalin kor ay Mujaahidiintu dagaal ka dib la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Goof-gaduud Buurey ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba, waxayna Mujaahidiintu dagaalkaasi ku dileen ugu yaraan 5 askari oo murtadiin ah halka ay ku dhaawacmeen 6 kale, iyadoo ay Mujaahidiintu soo ghaniimeysteen 4 qori iyo booshashkooda.