Waxaa sii xoogaysanaya khilaafka siyaadeed ee ka taagan maamulka ashahaada la dirirka ee Koonfur Galbeed, kaas oo salka ku haya muddo kordhin uu samaystay madaxweynaha maamulka Cabidcasiis Lafta gareen, iyadoo qaar ka xildhibaannada maamulkasi aysheegeen in laga jartay lacagihii gunnada ahaa ee ay qaadan jireen.
Mid ka md ah xildhibaannada maamulkaasi ayaa sheegay in markii ay kasoo horjeesteen muddo kordhinta lasoo saaray ay la kulmayeen cadaadis xooggan, iyadoo markan laga jartay gunnadii ay qaadan jireen.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in isaga 12 kale oo xildhibaanno ah laga jartay lacagahaasi, isagoo dhanka kale eedayn culus u jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka Dawaaghiidda ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Murtad Cabdicasiis Lafta gareen madaxa maamulka Riddada ah ee Koonfur Galbeed ayaa cadaadis dhaqaale iyo mid ciidan saaray saraakiisha ka tirsan maamulkiisa, ee kasoo horjeestay muddo kordhintii uu samaystay.