Sheekh Guuleed Abu Nabhaan waaliga wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus kaga hadlay weerarkii cagmarinta ahaa ee shalay ay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin kusoo afjareen maleeshiyaadkii murtadiinta ee ku sugnaa deegaanka Baardheere oo ah deegaan hoos taga magaalada Beledweyne.
Waaliga ayaa waraysigiisa ugu horayn kaga warbixiyay qaabka uu u dhacay weerarkii cagta lagu mariyay saldhigga maleshiyada Riddada ee deegaanka Baardheere, isagoo sheegay in saldhiggan uu ahaa mid laga ilaaliyo saldhigyada xabashida kuwa Jabuuti iyo kuwa maleeshiyaadka Riddada ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Sh Guuleed ayaa sidoo kale waraysigii kusoo hadal qaaday heshiisyadii ay dhowaan kala saxeexdeen wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan iyo qaar ka mid ah jifooyinka beesha Xawaadle ee isku soo dhiibay wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ka dib markii ay qayb ka noqdeen dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka.