Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saaka weerar xooggan kula jarmaaday saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee deegaanka Beerxaani ee dhaca duleedka magaalada Beledweyne ee wilaayada Hiiraan, halkaas oo dagaal uu ku dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Riddada.
Ciidanka Mujaahidiinta ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigga murtadiinta ee deegaanka Beerxaani, waxaana dagaal ka dib goobta isaga firxaday maleeshiyaadka Riddada, taas oo Allaah fadligii Mujaahidiinta u suuragalisay inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta deegaanka iyo saldhigga.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in uu jiro khasaare kala duwan oo dagaalkan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Riddada wallow aan tira koob rasmi ah la helin, balse wixii kasoo kordha waan idin soo gudbin doonaa Insha’Allaah.
Halkan Ka Dhagayso Xogta Andalus ee Dagaalkii Beerxaani.