Maamulka wilaayada islaamiga ee Banaadir ayaa soo bandhigay masuul taa’ib ah oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban kooxda Riddada Soomaaliya, kaas oo sannado ka dib Allaah uga towbad keenay falkii gaalnimo ee uu ku dhacay.
Abuukar Salaad Maxamuud oo ah masuulka taa’ibka ah ee lagu soo bandhigay wilaayada Banaadir, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda islaamiga ah ee Andalus ku sheegay in uu soo noqday guddoomiyeyaasha waxay ugu yeeraan arrinaha bulshada ee degmooyinka Hodan iyo Xamarweyne ee maamulka Riddada ee Muqdisho.