Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar culus oo cagmarin ah ku qaaday saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga sugnaayeen deegaanka Burujeed ee dhaca duleedka degmada Guriceel ee wilaayada Galgaduud.
Saldhigyada ciidan ee la weeraray oo ahaa illaa laba saldhig ayay ciidamada mujaahidiintu jab xooggan ugu gaysteen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya, khasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in maydad maleeshiyaad fara badan oo ka tirsan Riddada ay daadsanyihiin labada xero, gaadiidna laga fara maroojiyay murtadiinta, halka gaadiid kale iyo maleeshiyaadkii ka badbaaday weerarka ay u baxsadeen dhanka howdka ah, halkaas oo lagu baacsanayo.