Maxkamadda wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa xukun xaddu Riddo dil ah fagaare kuyaal degmada Jilib ee wilaayada Jubbooyinka kula fulisay 7 xubnood oo basaas u ahaa sirdoonada saliibiyiinta, kuwaas oo gudbiyay macluumaad kala duwan oo lagu dhibaateeyay dad muslimiin ah.
Qaadiga maxkamadda islaamiga ah oo xukunka maxkamadda ka hor akhrinayay xubnahan jawaasiista ah ee lagu dilay fagaaraha wayn ee macallin Aadan Xaashi Ceyrow ee degmada Jilib ayaa ka warbixiyay falalka gaalnimo ee ay ku dhaceen xubnahaasi indhaha u ahaa sirdoonnada saliibiyiinta Kenya iyo Maraykanka.
Hoos Ka Akhriso Magacyada Jawaasiista.
1-Cali Bakar Yuusuf (Xamza baajuuni) da’diisuna tahay 32-sana jir, ka tirsanaa sirdoonka saliibiyiinta Kenya.
2-Jamaal Idriis nayaaga oo 23 sano jir ah, la shaqaynayay sirdoonka ciidanka Kenya, gaar ahaan kuwa loo yaqaan ATPU-da.
3- juulo muwan joule jaaka (yaasir), oo 28 sano jir ah, ka tirsanaa sirdoonka Kenya.
4-Talar Cabdulle Aadan oo 55-sanajir ah, u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.
5-Deeq Faarax Yuusuf waa 33-sano jir ah, wuxuu jaasuus u ahaa dowladda saliibiyadda Kenya.
6- Mursal Xasan Yuusuf 19-sano jir ah, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka Riddada Jubbaland.
7- Ibraahim Maxamed Ibraahim 27-sano jir, ka tirsanaa kooxda Riddada Somalia.
Dhamaan xubnahan isugu jiray basaasiinta saliibiyiinta Maraykanka iyo Kenya iyo askarta kooxda Riddada Somalia, ayaa maxkamadda hortooda ka qirtay gaalnimada ay ku dhaceen, waxaana xukunkaasi laga hor akhriyay kumannaan muslimiin ah oo usoo daawasho tagay fulinta xadkaasi oo ka dhacay fagaaraha macallin Aadan Xaashi Ceyrow ee degmada Jilib.