Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dil bareer ah oo ay gaysteen maleeshiyaadka murtadiinta, kaas oo ay ku dileen qof shacab ah oo ka mid ahaa shacabka caasimadda.
Falkan dilka ah ayaa si gaar ah kaga dhacay waddada Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho, waxaana goobtaas lagu dilay qof shacab ah oo watay baabuur nooca raaxada ah sida uu inoo sheegay qof goobjooge ah oo goobta ku sugnaa xilliga ay dhacdadu dhacaysay, kana mid ah wadeyaasha mooto bajaajta ee Muqdisho.
Maleeshiyaadka Riddada ee dhowaan uu murtad Xassan Sheekh ku wareejiyay amniga caasimadda ayaana gaystay falkan dilka ah sida uu goobjooguhu inoo sheegay.