Maxkamadda wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan waxay galabta fagaare kuyaal degmada Buq’aqable ee wilaayadaas xukun xaddu Riddo dil ah, kula fulisay 2 xubnood oo murtadiin ah, oo uu ka mid yahay nin gaal ah oo aflagadeeyay Allaah Subxaanahuu Watacaalaa.
Murtad Cabdi Cali Ibraahiim waa ninka gaalka ee aflagaadeeyay Allaah Subxaanahuu Watacaalaa, waxaana uu maxkamadda islaamiga ah ka hor qiray in uu ku dhacay falkaas gaalnimada ah, murtadka labaad ee galabta lagu dilay fagaaraha degmada Buq’aqable waa Xassan Meeris Ibraahim oo loo yaqaan Xasan Buraale, kaas oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada, gaar ahaan macawiisleyda degmada Jalalaqsi, waxayna murtadkaasi ciidamada mujaahidiintu kusoo qabteen howlgal gaar ah.
Dadweyne fara badan oo isaga kala yimid xaafadaha kala duwan ee degmada Buq’aqable iyo nawaaxigeeda ayaa goob joog u ahaa fulinta xadkaasi Riddada ah ee lagu fulinayay xubnahaasi murtadiinta ah.