Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka wilaayada islaamiga ah ee Mudug ayaa soo dhaweeyay howlgalladii cagmarinta ahaa ee saaka ciidamada mujaahidiintu cagta ku mariyeen shan saldhig oo maleeshiyaadka kooxda Riddada Somalia ay ka samaysteen deegaanka Caad ee wilaayada Mudug.
Nabaddoon Axmed Maxamuud Xasan Foolfooley iyo Nabaddoon Cali Saciid Axmed Rooble oo ka mid ah odayaasha Mudug ayaa Andalus u sheegay in bulshada muslimiinta ah la wadaagayaan farxaddooda ku aaddan howlgalka cag-marinta ah ee saaka ciidamada mujaahidiintu Allaah fadligiis kusoo afjareen maleeshiyaadkii Riddada ee ku sugnaa deegaanka Caad.