Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiintu waxay maanta howlgal qarax ah oo lagu khaarajiyay xildhibaanno ka tirsan maamulka ashahaada la dirirka ah ee Galmudug ka fuliyeen degmada Ceel-garas ee wilaayada Galgaduud, halkaas oo ay duullaan kusoo qaadeen murtadiinta.
Qaraxan oo ahaa mid culus jugtiisana laga maqlay tuulooyinka ku xeeran degmada Ceelgaras waxay mujaahidiintu gudaha degmadaasi kula beegsadeen maleeshiyaad iyo masuuliyiin ka tirsan murtadiinta, waxaana inta la xaqiijiyay howlgalkan ku dhintay 2 xildhibaan oo ka tirsanaa maamulka Riddada ee Galmudug kuwaasi oo kala ah, Maxammed Maxamuud iyo Cabdullaahi Ibraahim Shaaciye.