Liibaan Muxammed oo ka mid ahaa Soomaalida ku dhaqan dalka Yugaandha ayay kooxo hubeysan ku dileen gudaha magaalada Kampaala ee caasimadda wadankaas, halka sidoo kalena ay dhaawaceen qof kale oo Soomaali ah.
Weerarkaan ka dhanka ah Soomaalida ku dhaqan Uganda ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Rubaaga ee caasimadda Kampala, waxaana sida la sheegay ka dambeeyay kooxo tuuga ah oo weerar ku ahayd Soomaalida.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan waddankaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in koox ka kooban 4 xubnood oo shufto ah, kuna hubaysnaa baastoolado ay weerarkaasi gaysteen, isagoo xog dheeraad ah ka bixiyay qaabka ay wax u dhaceen.
Dhanka kale muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka ku dhaqan dalka Koonfur Africa ayaa lagu soo waramayaa inay afduub u haystaan kooxo burcad ah oo muddooyinkii dambe afduub ku hayay ganacsatada.
Soomaalida ku dhaqan waddankaas ayaa xqiijisay xogta afduubkan, iyagoo sheegay in qofkan la afduubtay ka dib markii uu kasoo laabtay shaqadiisa.