Ciidamada mujaahidiintu waxay weerar culus oo madaafiic ah ku qaadeen saldhigga ciidamada saliibiyiinta Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee ka tirsan wilaayada Jubbooyinka, halkaas oo xilliga ay duqayntu dhacaysay ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil Ameerikaan ah iyo ciidamada Kenya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in madaafiicdu Allaah fadligiis ay ku dhaceen teendhooyin ay si wadajir ah ugu sugnaayeen saraakiisha Mareykanka iyo ciidamada Kenya, khasaaraha weerarkaasi inta la xaqiijiyay waa dhaawacyada 9 askari oo Kenyaan ah oo uu ku jiro sarkaal labo xidigle ah, kuwaas oo 5 ka mid ah dhaawacyadoodu yihiin kuwa garaab ah.
Waxaa sidoo kale howlgalkan madaafiicda ah ku dhaawacmay 4 xubnod oo Ameerikaan ah oo isugu jiray askar iyo saraakiil sare, waxaana weerarka kadib saldhigga kusoo dagtay diyaarado ay leeyihiin ciidanka Mareykanka, kuwaasi oo goobta ka qaaday saraakiishii iyo askartii saliibiyiinta Maraykanka ee halkaasi ku dhaawacmay, waxaa durbadiiba saldhiggan isaga cararay ciidamadii Maraykanka ee ku sugnaa saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Kulbiyow.