Sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday goob laga cunteeyo oo kutaal nawaaxiga isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii sarkaalkaasi murtadka ah uu isku dayay inuu si bilaash ah wax kaga cuno maqaayadaasi.
Hooyada leh maqaayadda laga cunteeyo oo lagu magacaabo Cudbi ayaa sheegtay in sarkaalka murtadka ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Yuusuf uu ka tirsan yahay saraakiisha waxay ugu yeeraan millatariga Ridada, waxay hooyadan sheegtay in uu sarkaalkaasi murtadka ah ka codsaday in lacag la’aan uu wax kaga cuno maqaaxiddeeda, iyaduna ay ka biya diidday, jawaabta uu siiyayna ay noqotay in uu goobteeda ganacsi kusoo tuuro bam-baanada nooca gacanta laga tuuro.
Khasaare kala duwan oo isugu jira dhaawacyo iyo burbur ayaa ka dhashay Ba-gacmeedka uu sarkaalkaasi murtadka ah ku weeraray hooyada iyo caruurteeda, 3 qof oo laba ka mid ah ay waalid u tahay iyo iyada ayaa ku dhaawacmay goobta, halka dad kale oo waddada marayayna ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.