Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo ka mida culimada muslimiinta, sidoo kalena ka mid ahaa culimadii ka qayb gashay isku soo bixii shalay ka dhacay degmada Jilib ee wilaayada Jubbooyinka ayaa si adag uga hadlay heshiiskii xaaraanta ahaa ee lagu kala saxiixday miisaska Addis ababa, kaasi oo uu Muuse Amxaar Nasaarada xabashida ku siiyay qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.
Sheekh Aadan Sunne oo dareen hadlayay ayaa si kulul uga hadlay heshiiska dowladda Itoobiya lagu siiyay xeebaha dhaca waqooyi galbeed ee Soomaaliya, sheekha ayaa sheegay in Muuse Biixi uu yahay mid ka mida abuu Rigaallada Soomaalida ee xabashida dabadhilifka u ah, isagoo baaq u diray dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku dhaqan gobollada waqooyi.