Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa ka warbixiyay howlgalladii maanta ka kala dhacay wilaayaadka Jubbooyinka Hiiraan iyo Sh/hoose, kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu beegsaday maleeshiyaadka Riddada.
Sheekha ayaa shir jaraa’id oo uu warbaahinta u qabtay ugu horrayn ku faahfaahiyay howlgalkii ballaarnaa ee maanta ciidamada Mujaahidiintu cagta ku mariyeen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, howlgalladii maanta ka dhacay duleeedka Kismaayo ee Baarsanguuni iyo weerarkii jidgalka ahaa ee ka dhacay duleedka Kismaayo waxa uu sheekhu xaqiijiyay in murtadiinta looga dilay 38 askari oo murtadiin ah.
Sh Cabdicasiis Abuu Mucab ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday dagaallo dhowr jeer lagu jabiyay askar badana looga dilay murtadiinta oo maanta ka dhacay wilaayada Hiiraan gaar ahaan duleedka degmada Jalalaqsi iyo howlgal qarax ah oo lala beegsaday maleeshiyaadka uu Maraykanka soo carbiyay ee Baangaraafta, waxa uu taliska dhanka kale ka hadlay howlgal gaar ah oo ay ciidamada Mujaahidiintu ku khaarajiyeen mid ka mid ah saraakiisha Riddada oo maanta lagu khaarajiyay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Halkan Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id Ee Afhayeenka Ciidanka Mujaahidiinta.