Sheikh Cali Maxamuud Raage oo ah afhayeenka xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay heshiiskii dhowaan dhexmaray xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo waxgaradka beesha reer Xaaji Saleebaan, heshiiskaas oo laga soo saaray qodobbo dhowro ah.
Sh Cali ayaa sheegay in xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay fulin doonto qodobbadii lagu heshiisyay, isagoo dhanka kale ka hadlay xariggii ay murtadiintu kula kaceen odayaashii saxiixay heshiiska dhexmaray xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo waxgaradka beesha Reer Xaaji Saleebaan.
Afhayeenka xarakada Shabaahul Mujaahidiin ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id farriimo muhiim ah ugu diray beelaha lagu dagay dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka, isagoo sheegay inay Mujaahidiintu soo dhawayn doonto cid walba oo ka towbad keenta barina noqoto dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka.
Halkan Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id Ee Sheikh Cali Maxamuud Raage.