Sheikh Cali Maxamuud Raage (Sh Cali Dheere) oo ah afhayeenka xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa kalimad uu jeediyay kaga warbixiyay, howlgalkii ballaarnaa ee ay Mujaahidiintu ku qaadeen xarunta Villa Reys ee ku dhextaal madaxtooyada kooxda Riddada iyo weerarkii madaafiicda ahaa ee lala beegsaday guriga uu Villa Somalia ka degan yahay madaxweynaha Riddada murtad Xassan Garguurte.
Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalka oo qaatay muddo dheer ay Mujaahidiintu Allaah fadligii u suuragashay inay ka dusaan dhammaan jigdooyooyinka iyo kaantarooladii ay kooxda Riddadu dhigatay waddooyinka Muqdisho, ayna si habsami leh toogashooyin uga gaysteen xarumaha murtadiinta ee gudaha iyo hareeraha madaxtooyada.
Shikh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in howlgalkaasi ballaaran lagu dilay 52 xubnood oo murtadiin ah halka sidoo kale lagu dhaawacay 39 kale wuxuunta intaa ku daray inay si nabad galyo ah kusoo laabteen qaar ka mid ah raggii Inqimaasiyiinta ahaa ee fuliyay howlgalka halka walaalo kalena ay ku shahiideen howlgalka xarunta Villa Rose.
Afhayeenka Mujaahidiinta ayaa sidoo kale kalimaddiisa kusoo hadal qaaday fashilka ku dhacay dagaalkii uu ku dhawaaqay Xassan Garguurte ee ka dhanka ahaa wilaayaadka islaamiga. isagoo sheegay in tuulooyinka ay tageen maleeshiyaadka Riddada ay durbadiiba ka biilaabeen isku dirka qabaa’ilka Soomaaliyeed isagoo tusaale usoo qaatay gobolka Sh/dhexe.
Halkan Ka Dhagayso Kalimadda Sheikh Cali Dheere Oo Dhamaystiran.