Sheekh Cali Maxamuud Raage oo ah afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa jeediyay kalimad muhiim ah oo uu kaga hadlay howlgalkii Inqimaasiga ee xalay ka dhacay xerada General Gordon ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay saraakiisha ugu sarraysa ee Imaatraadka u qaabilsanaa dagaalkiisa ka dhanka ah islaamka ee Soomaaliya.
Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in howlgalkan inqimaasiga Allaah fadligiis dhagta dhiigga loogu daray saraakiishii ashahaada la dirirka ee Imaaraadka u qaabilsanaa dagaalka ka dhanka ah shareecada ee uu kaga jiro Somalia, laguna dilay 17 sarkaal oo ay ku jiraan dhamaan saraakiishii ashahaada la dirirka ahaa ee Imaaradka iyo murtazaqadooda.
Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa markii ugu horraysay sheegay in howlgalkan fariidka ah uu fuliyay walaal Inqimaasi ah oo lagu magacaabo Mustafe Mukhtaar Aadam oo 27 sano jir ah, kana soo jeeda degmada Xudur ee wilaaayada islaamiga ah ee Bakool, sheekha ayaa dhanka kale digniin adag u jeediyay hoggaanka ciidamada gaalada ah ee dalka kusoo duulay.