Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh.dhexe ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda islaamiga ah ee Andalus kaga warbixiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee ay saaka ciidamada mujaahidiintu kula wareegeen deegaanka Nuur-dugle ee wilaayada Sh/dhexe.
Sheekh Yuusuf Kabakutukade ayaa ugu horrayn tacsi u diray ehellada iyo qaraabada ay ka shahiideen dadkii rayidka ahaa ee uu Maraykanku ku xasuuqay baadiyaha deegaanka Oodweyn ee hoostaga degmada Ceel-garas ee wilaayada Galgaduud.
Sheekh Kabakutukade ayaa sidoo kale waraysigiisa uga jawaabay hadal dhowaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee maamulka ashahaada la dirirka ah ee Hirshabeelle murtad Maxamed Cabdi Waare.