Soohdin beenaadka ay wadaagaan gobolka waqooyi galbeed ee Soomaaliya iyo dhulka Soomaali galbeed ee ku hoos jira gumeysiga xabashida Itoobiya, waxaa laga soo warinayaa inay kusoo qulqulayaan ciidamo Itoobiyaan ah oo ay dadka deegaanku sheegeen inay duullaan ku yihiin dadka muslimiinta ah iyo dhulkooda.
Qof goobjooge ah oo ku sugan soohdin beenaadka u dhaxeysa gobolka Awadal iyo dhulka Soomaali galbeed ee xooga ay ku haysato xabashida, ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ku sheegay in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan xabashida ay duullaan millatari kusoo qaadeen deegaannada miyiga ah ee dhaca soohdin beenaadka.
Wuxuu qofkan shacabka ah xaqiijiyay inay jiraan ciidamo soo galay soohdin beenaadka, kuwaas oo uu sheegay inay duullaan ba’an ku hayaan akhlaaqda iyo khayraadka dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan gobolka Awdal, waxa uu sidoo kale sheegay in ciidanka Itoobiya ay qaateen saddex baabuur iyo mootooyin kuwaas oo uu sheegay inay ula dhaqaaqeen dhanka gudaha dhulka ay gumeysato xabashida.