Magaalada caasimadda ee Muqdisho waxay weli dadkeedu dhibbane u yihiin madax iyo maleeshiyaad murtadiin ah, kuwaas oo boob iyo burburin ba’an ku haya guryaha iyo goofafka ay leeyihiin shacabka ku dhaqan caasimadda, qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafada Warlaliska degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa cabasho ka muujinay dhulboob xooggan oo lagu hayo.
Dadkan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyaad abaabulan oo ka tirsan murtadiinta ay si xoog ah ku boobayaan dhulkooda, waxay qaarkood sheegaeen in awood ciidan lagu burburiyay guryahooda.
Sarkaal ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya ayay si gaar ah ugu eedeeyeen in uu maleeshiyaad daacad u ah usoo adeegsaday burburinta iyo boobka dhulalka dadka shacabka ah ee kuyaal Warlaliska oo ka tirsan degmada Dayniile.