Magaalada Muqdisho waxay dadkeedu maara u la’yihiin dhul boobka abaabulan ee ay wadaan madaxda iyo maleeshiyaadka kooxda Riddada Somaaliya, maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta ayaa maanta xoog ku burburiyay guryo ay lahaayeen dad shacab ah oo kuyiil caasimadda.
Guryaha maanta la burburiyay waxay ku yiilleen xaafadda Warlaliska ee dagmada Dayniile, waxaana guryahaasi u dhacay maleeshiyaad abaabulan oo ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Dadka guryahaas lahaa ayaa warbahinta maxalliga ah u sheegay in qori caaraddii dhulkooda lagu dhacayo, qaar ka mid ah dadkaasi ayaa ka warbixinaya awoodda loo sheegtay ee guryahooda iyo dhulkooda lagu boobayo.
Halkan Ka Dhagayso Codka Dadadka Guryaha Laga Burburiyay.