Madaxii hore ee maamulka ashahaado la diriirka ah ee isku magacaabay Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay dagaalladii ciidamada mujaahidiintu ay ku qaadeen deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhaba.
Murtad Shariif Sakiin ayaa qiray in askar looga dilay dagaalladii dhacay, isagoo ku tilmaamay wax laga xumaado, waxuuna ka tacsiyeeyay maleeshiyaadkii murtadiinta ahaa ee mujahidiinta xasuuqeen.
Dhanka kale waxuu murtad Shariif Sikiin sheegay in loo diiday in uu tago magaalada Baydhaba ee uu ka taliyo maamulka murtad Laftagareen oo uu mucaarad ku yahay.
Waxuu sheegay in laga xirtay garoonka diyaaradaha Baydhabo uuna ka baqanayo in uu safar dhulka ah ku tago Baydhabo, maadaama uu sheegay in aysan ku safri karin waddooyinka sababo ku aaddan cabsi ay ka qabaan Mujaahidiinta.