Sheekh Muxammed Abuu Cabdalla oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa waraysi gaar ah oo uu caawa siiyay idaacadda islaamiga ah ee Andalus kaga warbixiyay duqaymihii saliibiyiinta Kenya ay habeennadii lasoo dhaafay ka gaysanayeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan wilaayada Jubbooyinka.
Sh Abuu Cabdalla ayaa ka hadlay duqaymaha iyo goobaha ay ka kala gaysteen diyaaradaha saliibiyiinta Kenya iyo khasaaraha dhimasho, midka dhaawaca iyo midka maadi ee dadka shacabka ah kasoo gaaray duqaymahaasi, iyo sidoo kale adeegyada ay wilaayadu u fidisay dadka dhibanaha u ah duqaymaha saliibiyiinta Kenya.
Sheekh Abu Cabdalla ayaa ugu dambayn dadka muslimiinta ah ugu baaqay inay isu gurmadaan oo la caawiyo dadka dhibanaha u ah duqaymaha saliibiyiinta Kenya, isagoo dadka muslimiinta ah ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan dagaalka ka dhanka ah saliibiyiinta.