Sheekh Aadan Sahal Abu Turaab waaliga wilaayada islaamiga ee Gedo ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan kaga warbixiyay camaliyaadkii lixaadka lahaa ee ay mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga xabashida ee degmada Doolow.
Sheekh ayaa ugu horrayn bogaadiyay camaliyaadkii waawaynaa ee ay mujaahidiintu cagta ku mariyeen saldhigyadii saliibiyiinta Yugaandha ee degmada Buulo-mareer ee ka tirsan Sh/hoose iyo kan Riddada ee degaanka Masagawaay ee wilaayada Galgaduud, waaliga ayaa sidoo kale faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay camaliyaadkii gilgilay saldhigga ciidamada xabashida ee Doolow kuwaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay saliibiyiinta Itoobiya.
Sheekh Abuu Turaab ayaa sheegay in khasaare lixaad leh camaliyaadkii maanta lagu gaarsiiyay saliibiyiinta Itoobiya taas oo keentay inay jaaraan isgaarsiinta si ay u qariyaan khasaaraha baaxada leh, balse ay magaaladu kasoo degteen diyaarado dhowr ah kuwaas oo goobta ka daabulay bakhtiyada iyo dhaawacyada, sidoo kale waaliga ayaa sheegay in ciidamada xabashida ay saddex qof oo shacab ah ku dileen Doolow ka dib camaliyaadkii lagu weeraray saldhiggooda.