Sheikh Guuleed Abuu Nabhaan waaliga wilaayada islaamiga Hiiraan ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus kaga warbixiyay howlgalladii maanta ay Mujaahidiintu ka kala fuliyeen gudaha degmada Halgan iyo degmada Maxaas ee bariga wilaayada Hiiraan.
Waaliga ayaa xusay in camaliyaddii Istish-haadiga ee Halgan oo hadafkeedu ahaa beegsiga maleeshiyaadka ashahaada la dirirka Hirshabeelle iyo kuwa Riddada ah ee isugu yeeray Macawiisleyda ay u fushay sidii uu taliska Mujaahidiinta u qorsheeyay, khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawacba lehna lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Riddada.
Camaliyaadkii barakaysnaa ee 48-kii saac ee lasoo dhaafay ka kala dhacay degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ayuu soo hadal qaaday waaliga, isagoo xusay in camaliyaadkan ay ka qayb ka yihiin howlgallada jihaadiga ah ee lagu difaacayo shareecada islaamka.