Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah waaliga wilaayada islaamiga Jubooyinka ayaa si adag uga hadlay duqaymihii wuxuushnimo ee diyaaradaha Maraykanku ay saacadihii lasoo dhaafay ka gaysteen degmooyinka Jilib, Bu’aale iyo Saakow, halkaas oo diyaaradaha saliibiyiintu ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Waaliga ayaa ugu horrayn dadka rayidka ah ee muslimiinta ah uga tacsiyeeyay dhibaatadii kasoo gaartay duqaymaha saliibiyiinta Maraykanka, isagoo xaqiijiyay in dhamaan duqaymihii Maraykanka uu ka gaystay degmooyinka Jilib, Bu’aale iyo Saakow uu ku wada beegsaday dad shacab ah.