Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe ayaa bogaadiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee ciidanka mujaahidiintu kusoo afjareen difaacyadii maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Cowsweyne ee wilaayada Galgaduud.
Sheikh Yuusuf Kabakutukade ayaa ugu horrayn sheegay in weerarkii Cowsweyne Allaah fadligiis lagu dilay maleeshiyaad fara badan oo aan ka yarayn 200 oo askari, sidoo kale sheekha ayaa sheegay gaadiid fara badan oo isugu jira kuwa fayow iyo kuwa gubtay ay murtadiintu kaga carareen Cowsweyne, guushan ayuu sheekhu sheegay inay ku timid idinka Alllaah Subxaanahu watacaala.