Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ee xarunta gobolka Waqooyi galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku geeriyooday shil fool xun oo ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha magaaladaas.
Ilo wareedyo ku sugan gudaha magaalada Hargaysa oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay dhacdadan, iyagoo sheegay in qofka dhintay uu ka mid ahaa dhallinyarada ku shaqaysatada gaadiidka loo yaqaan mootooyinka.
Shilka ayaa yimid ka dib markii gaari nooca Noha-da loo yaqaan uu si kadis ah ugu dhacay mootada, taas oo keentay in uu goobta ku geeriyoodo wiilka dhalinyarada ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Khaalid.
Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa soo badanayay shilalka gaadiidka ee ka dhaca gobollada waqooyi ee dalka SOomaaliya gaar ahaan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland.