Guddoomiyaha degmada Berbera ugu magacaaban maamulka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Somaliland ayaa goob fagaare ah oo ay dad badani joogeen ka sheegay inuu magaaladan ka hirgalin doono xarumo ganacsi oo lagu iibiyo Khamriga.
Murtad Cabdishakur Maxamud Xassan oo maamulka Riddada ah ee Somaliland ugu magacaaban duqa magaalada Berbera, ayaa dadweyne uu la hadlayay si waadix ah ugu sheegay inuu magaaladan kusoo kordhin doono goobo xaaraanta lagu iibiyo taas oo uu ku sheegay inay tahay ilbaxnimo usoo kordhi doonto bulshada Berbera.
Cabdishakuur Maxamuud ayaa si dhiiranaan leh u sheegay inay bulshada muslimka ah ku dhex faafin doonaan khamriga, isagoo sheegay inay magaalada iman doonaan dad saliibiyiin ah, isla markaana aan la takoorin dadka gaalada ah.
Hadalkan kasoo yeeray masuulkan ka tirsan maamulka ashahada la dirirka ah ee la magac baxay Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli deegaannada ay ka arrimiyaan maamullada Riddada ah ay si xowli ah ugu dhex faafayaan waxyaabaha maanka dooriya oo uu khamrigu ka mid yahay, islaamkuna uu xarrimay.