Taliska ciidamada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray camaliyad Istish-haadi ah oo saaka lagu beegsaday afaafka hore ee saldhigga Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ee caasimadda, halkaas oo lagu laayay maleeshiyaad murtadiin ah oo loo qorayay inay ka mid noqdaan maleeshiyaadka loogu yeero Gorgor ee ay tabobarato Turkiga.
Taliska ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in goobta ay mujaahidiintu camaliyadda ku beegsadeen ay ku sugnaayeen inka badan 100 askari oo murtadiin ah, kuwaas oo loo qorayay inay ku biiraan murtazaqada dowladda Turkiga ee la magac baxay Gorgor, taliska ayaa sheegay in horudhaca dhimashada murtadiinta ay tahay 32 xubnood oo murtadiin ah, halka sidoo kale camaliyadda lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.
Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa dhanka kale sheegay in mujaahidiintu mar kale u digayaan cid walba oo doonaysa inay ku biirto cadawga ashahaado la dirirka ah ee la dagaalamaya shareecada Islaamka.
Halkan Ka Dhagayso Bayaanka Oo Cod Ah.
Halkan Ka Degso Bayaanka Oo PDF Ah.
Ama Hoos Ka Akhriso.